Guddoomiyaha Xisbiga KAAH Oo Daahfuray Xarunta Cusub Ee Xisbiga Uu Ka Yeelanayo Gobolka Gabiley

0
Thursday May 14, 2026 - 10:07:00 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 26
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Xisbiga KAAH Oo Daahfuray Xarunta Cusub Ee Xisbiga Uu Ka Yeelanayo Gobolka Gabiley

    Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa ka qayb galay taageerayaal,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa ka qayb galay taageerayaal,



Guddoomiyaha Xisbiga KAAH, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay wehelinayeen xubno ka tirsan hoggaanka sare iyo mas’uuliyiin kale oo xisbiga ah, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray xarunta guud ee cusub ee uu xisbigu ku yeelan doono Gobolka Gabiley.


 

Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa ka qayb galay taageerayaal, siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka, iyadoo lagu muujiyey muhiimadda ay xaruntani u leedahay dardargelinta hawlaha siyaasadeed, abaabulka bulshada iyo xoojinta xidhiidhka xisbiga iyo shacabka Gobolka Gabiley.



 

Mas’uuliyiinta Xisbiga KAAH ayaa sheegay in furitaanka xaruntan cusub uu qayb ka yahay qorshaha lagu ballaadhinayo laguna xoojinayo xarumaha xisbiga ee gobollada dalka, si bulshada loo gaadhsiiyo himilooyinka iyo qorsheyaasha siyaasadeed ee xisbiga.


 

Sidoo kale, madaxda xisbiga ayaa ugu baaqay shacabka iyo taageerayaasha Gobolka Gabiley inay door firfircoon ka qaataan hawlaha siyaasadda iyo horumarka dalka, iyagoo xusay in xaruntan cusub ay noqon doonto meel muhiim u ah isku xidhka bulshada iyo hoggaanka xisbiga.

Loading...
Loading...