Madaxweyne Cirro Oo Dib Ugu Soo Laabtay Somaliland Kadib Safar Uu Ku Tegay Imaaraadka Carabta
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, kaddib safar shaqsi ah oo uu muddo kooban ugu maqnaa dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.
Madaxweynaha ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay markii uu soo gaaray magaalada Hargeysa, iyadoo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ay ka qeyb qaateen soo dhaweyntiisa.
Safarka Madaxweyne Cirro ee Imaaraadka Carabta ayaa lagu tilmaamay mid shaqsi ah, inkastoo aanu weli si rasmi ah uga hadlin waxyaabihii uu intii uu halkaasi joogay qabtay.
Dib u soo laabashada Madaxweynaha ayaa ku soo aadeysa xilli ay Somaliland wajahaysa arrimo siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed oo muhiim ah.


0 





