Xi Jinping Oo Trump Uga Digay "Dabinka Thucydides" – Maxaa Ka Dhigan Tartanka Shiinaha Iyo Mareykanka?

0
Thursday May 14, 2026 - 09:40:33 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 25
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xi Jinping Oo Trump Uga Digay "Dabinka Thucydides" – Maxaa Ka Dhigan Tartanka Shiinaha Iyo Mareykanka?

    Xi wuxuu sheegay in dunidu ay mareyso marxalad xasaasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xi wuxuu sheegay in dunidu ay mareyso marxalad xasaasi



Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping ayaa khudbad si weyn loo hadal hayo ka jeediyay magaalada Beijing xilli uu halkaasi kula kulmay madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo booqashadiisii ugu horreysay ku jooga Shiinaha tan iyo markii uu dib ugu laabtay Aqalka Cad.


 

Xi Jinping ayaa hadalladiisa diiradda ku saaray khatarta ka dhalan karta tartanka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya labada quwadood ee dunida ugu awoodda badan.



 

Xi wuxuu sheegay in dunidu ay mareyso marxalad xasaasi ah oo isbeddel weyn leh, isagoo si gaar ah uga digay waxa loo yaqaan "Dabinka Thucydides” — fikrad siyaasadeed oo tilmaamaysa in marka quwad cusub soo kacdo ay marar badan colaad la gasho quwaddii hore ee dunida hoggaaminaysay.


 

Madaxweynaha Shiinaha ayaa Trump si dadban ugu sheegay in haddii Beijing iyo Washington ay ku fashilmaan inay si taxaddar leh u maareeyaan xiriirkooda, tartanka dhaqaale, militari iyo siyaasadeed uu isu beddeli karo khilaaf weyn oo saameeya caalamka oo dhan.


 

Xi Jinping wuxuu tusaale u soo qaatay dagaalkii taariikhiga ahaa ee dhex maray Athens iyo Sparta in ka badan 2,000 sano kahor, kaas oo ka dhashay cabsi iyo loollan awoodeed.


 

Khudbadda Xi ayaa loo fasirtay fariin culus oo ku socota Mareykanka, iyadoo Shiinuhu doonayo inuu dunida tuso inuu diyaar u yahay hoggaan caalami ah iyo inuu ka fogaado isku dhac toos ah oo quwadaha waaweyn dhex mara.

Loading...
Loading...