Warbaahin Caalami ah oo Shaacisay: 18-ka May 2026 oo Somaliland u Noqon karta Maalin Taariikhi ah
Warbaahinta caalamiga ah ee Afrinews 24 iyo Semonigna Spotlight ayaa warbixinno ay baahiyeen ku sheegay in dabaal-degga 18-ka May ee sanadkan 2026 uu noqon karo mid taariikhi ah oo Somaliland u horseeda isbeddel weyn oo dhinaca diblumaasiyadda ah.
Warbixinnadu waxay tilmaameen in dalal ay kamid yihiin Eswatini, Argentina, Dominican Republic, Zambia iyo United Arab Emirates lagu wado inay qaadaan tallaabooyin la xiriira aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, xilli shacabka reer Somaliland isu diyaarinayaan munaasabadda 18-ka May.
Sida lagu sheegay warbixinnada, magaalada Hargeisa iyo guud ahaan gobollada Somaliland ayaa sanadkan yeelan doona jawi dabaal-deg oo ka duwan kuwii hore, iyadoo calanka Somaliland lagu tilmaamay astaan muujinaysa rajo cusub iyo isbeddel siyaasadeed.
Warbixinta Afrinews 24 ayaa sheegtay in Somaliland muddo ka badan 30 sano ay lahayd nidaam dawladnimo, doorashooyin, ciidan iyo lacag u gaar ah, balse ay weli wajahaysay aqoonsi la’aan caalami ah. Waxaa sidoo kale lagu xusay in dhaq-dhaqaaqyo diblumaasiyadeed oo qarsoodi ah ay ka socdaan dalal kala duwan oo ay kamid yihiin Abu Dhabi iyo Buenos Aires.
Dhanka kale, warbaahinta Semonigna Spotlight ayaa sheegtay in hadal-heynta aqoonsiga Somaliland ay sii xoogeysanayso, iyadoo waddamo ku yaalla Bariga Dhexe iyo Afrika la sheegay inay dib u eegayaan mowqifkooda ku aaddan Somaliland.


0 





