Somaliland Oo Ergay Gaar Ah U Magacowday Dalka Giriigga

0
Tuesday May 12, 2026 - 09:10:52 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 114
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Ergay Gaar Ah U Magacowday Dalka Giriigga

    Dimitrios Tourikis oo ah diblumaasi khibrad u leh arrimaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dimitrios Tourikis oo ah diblumaasi khibrad u leh arrimaha



Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa Dimitrios Tourikis u magacowday inuu noqdo Ergayga gaarka ah ee Somaliland u qaabilsanaan doona dalka Greece, iyadoo lagu wado inuu ka shaqeeyo xoojinta xiriirka siyaasadeed, dhaqaale iyo iskaashiga labada dhinac.


 

Dimitrios Tourikis oo ah diblumaasi khibrad u leh arrimaha dhaqaalaha iyo siyaasadda ayaa loo xushay doorkan cusub si uu u hormariyo xidhiidhka Somaliland iyo Giriigga, xilli ay Somaliland dadaal ugu jirto ballaarinta xiriirrada caalamiga ah iyo soo jiidashada taageerada dibadda.



 

Magacaabistan ayaa kusoo aadeysa kadib kulan uu Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro dhawaan kula yeeshay dalka Switzerland ganacsato u dhalatay Giriigga, intii uu ka qeyb galayay shirkii dhaqaalaha adduunka ee Davos. Kulankaas ayaa lagu sheegay mid diiradda lagu saaray maalgashi iyo iskaashi dhaqaale oo dhexmara Somaliland iyo Giriigga.

Loading...
Loading...