Farmaajo Oo Diblomaasiyiinta Mareykanka Kala Hadlay Xiisadda Doorashooyinka Soomaaliya

0
Tuesday May 12, 2026 - 08:38:02 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 52
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo Oo Diblomaasiyiinta Mareykanka Kala Hadlay Xiisadda Doorashooyinka Soomaaliya

    Ilo siyaasadeed ayaa sheegaya in kulanka diiradda lagu saaray xaaladda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ilo siyaasadeed ayaa sheegaya in kulanka diiradda lagu saaray xaaladda

May be an image of suit and text




MUQDISHO — Madaxweyne hore ee Soomaaliya, Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa maanta kulan kula yeeshay xerada Halane Compound Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Justin Davis iyo diblomaasiyiin kale.


 

Ilo siyaasadeed ayaa sheegaya in kulanka diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo dadaallada lagu raadinayo xal looga gaaro khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.


 

Wararka ayaa tilmaamaya in Farmaajo uu dhinaca Mareykanka u sheegay in musharixiinta mucaaradka aysan aqbali doonin doorasho hal dhinac lagu maamulo, isla markaana haddii aan heshiis siyaasadeed la gaarin kahor 15-ka May ay adkaan karto in doorashada lagu qabto jawi is-afgarad leh.


 

Sidoo kale, Farmaajo ayaa Dowladda Mareykanka uga mahadceliyay taageerada iyo dadaallada ay ka waddo xasilinta iyo taageeridda geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya.


 

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli ay Soomaaliya wajahaysa xiisad siyaasadeed iyo walaac sii kordhaya oo la xiriira khilaafka doorashooyinka iyo heshiisyada siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

Loading...
Loading...