Degdeg: Hargeysa Oo Dooratay Maayir Iyo Ku-xigeen Cusub Kadib Xil Ka Qaistii Mooge Iyo Khadar Nuur

0
Tuesday May 12, 2026 - 08:20:39 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 238
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Degdeg: Hargeysa Oo Dooratay Maayir Iyo Ku-xigeen Cusub Kadib Xil Ka Qaistii Mooge Iyo Khadar Nuur

    Kulanka golaha oo ay kasoo qayb galeen inta badan mudaneyaasha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka golaha oo ay kasoo qayb galeen inta badan mudaneyaasha

May be an image of dais and text



Golaha Deegaanka magaalada Hargeysa ayaa maanta cod rasmi ah ku ansixiyey xil ka qaadista Maayirkii caasimadda Somaliland, Cabdikarin Axmed Mooge, iyo Maayar Ku-xigeenkii degmada Khadar Axmed Cumar, kadib mooshin ay xildhibaannadu ka gudbiyeen hoggaanka degmada.

 

Kulanka golaha oo ay kasoo qayb galeen inta badan mudaneyaasha deegaanka ayaa lagu sheegay in labada masuul lagu eedeeyey arrimo la xidhiidha maamulka degmada iyo gudashada waajibaadka shaqo, kuwaas oo saldhig u noqday go’aanka xil ka qaadista.

 

Cabdikarin Mooge iyo Khadar Axmed Cumar ayaa xilka hoggaanka Hargeysa loo doortay 17-kii July 2021, xilli ay jireen isbahaysi siyaasadeed oo u dhexeeyey xisbiyada mucaaradka ee WADDANI iyo UCID.

 

Go’aankan cusub ayaa si weyn looga hadal hayaa gudaha Hargeysa, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda la guda galo doorashada hoggaan cusub oo beddela masuuliyiintii xilka laga qaaday.

Loading...
Loading...