Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo booqday Xarunta Agoomaha Hargeysa kana hirgeliyey adeegyo caafimaad
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Xuseen Bashiir Xirsi, iyo masuuliyiin uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin agaasime-waaxeedyo, madax-qaybeedyo iyo Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Maroodijeex ayaa booqasho shaqo ku tegay Xarunta Agoomaha ee magaalada Hargeisa.
Booqashadan ayaa la xidhiidhay u kuurgelidda xaaladda guud ee xarunta iyo ka jawaabista baahiyo hore ay maamulka xaruntu usoo gudbiyeen Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.
Wasiirka iyo masuuliyiinta la socday ayaa warbixin faahfaahsan ka dhegeystay maamulka xarunta, iyagoo indhahooda ku soo arkay xaaladda carruurta agoonta ah iyo adeegyada kala duwan ee ay u baahan yihiin.
Booqashadan oo daba socotay booqasho hore oo uu Wasiirku ku tegay xarunta ayaa keentay in Wasaaraddu si rasmi ah uga hirgeliso adeegyo caafimaad oo muhiim u ah carruurta agoonta ah. Adeegyadaasi waxaa kamid ah tallaal dhamaystiran oo si joogto ah looga bixin doono gudaha xarunta, adeegyo nafaqayn ah iyo sidoo kale daawooyinka aas-aasiga ah ee ay carruurtu u baahan yihiin.
Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku mudnaan gaar ah siinayso daryeelka carruurta nugul iyo kor u qaadista adeegyada caafimaad ee bulshada, gaar ahaan goobaha ay ku nool yihiin carruurta u baahan taageero iyo daryeel joogto ah.


0 





