Booliska Somaliland oo gacanta ku dhigay nin ku eedeysan dilka xaaskiisii oo ka dhacay Burco

0
Sunday May 10, 2026 - 14:08:42 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 65
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Somaliland oo gacanta ku dhigay nin ku eedeysan dilka xaaskiisii oo ka dhacay Burco

    Hawlgalka lagu soo qabtay eedaysanaha ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hawlgalka lagu soo qabtay eedaysanaha ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay



Ciidamada Booliska Somaliland ayaa hawlgal ay sameeyeen caawa ku soo qabtay eedaysane lagu magacaabo Ibraahim Axmed Cismaan, kaas oo ku eedeysan in uu dil u geystay xaaskiisii Marxuumad Shamsa Caydiid Yuusuf.


 

Falka dilka ah ayaa ka dhacay xaafadda Nafaqo ee magaalada Burao, iyadoo ciidamada ammaanku si degdeg ah uga jawaabeen dhacdadaasi.



 

Hawlgalka lagu soo qabtay eedaysanaha ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay Ciidamada Booliska Qaybta Gobolka Togdheer, gaar ahaan Saldhigga Maxamed Cali, kuwaasi oo ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan ninka lagu tuhunsan yahay falkaasi.


 

Booliska ayaa sheegay in weli ay socdaan baadhitaanno dheeraad ah oo la xiriira dhacdada, si loo dhammeystiro xogta iyo caddeymaha ku saabsan kiiska.


 

Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa bogaadiyey dhammaan ciidamadii iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay hawlgalka lagu soo qabtay eedaysanaha.

Loading...
Loading...