Wasaaradda Warfaafinta JSL oo shacabka Hargeysa ku casuuntay bandhig faneedka xuska 18-ka May

0
Sunday May 10, 2026 - 14:06:14 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 46
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Warfaafinta JSL oo shacabka Hargeysa ku casuuntay bandhig faneedka xuska 18-ka May

    Wasaaraddu waxay ugu baaqday shacabka inay si weyn uga soo...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaraddu waxay ugu baaqday shacabka inay si weyn uga soo...


May be an image of one or more people and text


Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Somaliland ayaa dhammaan shacabka ku dhaqan magaalada Hargeisa ku war-gelisay in galabta illaa caawa deegaanka Kheyriyadda, gaar ahaan agagaarka diyaaradda hoosteeda, uu ka socon doono bandhig faneed ballaadhan oo lagu maamuusayo xuska maalinta qaran ee 18-ka May.


 

Bandhiggan ayaa lagu muujin doonaa qiimaha iyo miisaanka maalinta 18-ka May oo ah maalin taariikhi ah oo ku weyn shacabka Somaliland, iyadoo ay ka qayb geli doonaan fannaaniinta qaranka iyo kooxo faneedyo caan ah oo ay ka mid yihiin Xiddigaha, Dayax Band, Walaalaha Hargeysa, iyo fannaanadda caanka ah Sahra Halgan.


 

Wasaaraddu waxay ugu baaqday shacabka inay si weyn uga soo qayb galaan munaasabadda, iyaga oo gacanta ku sita calanka Somaliland isla markaana ka shaqaynaya ilaalinta amniga iyo kala dambeynta goobta.


 

"Muwaadin ka soo qeyb gal adigoo gacanta calanka ku sita, gacantana amniga ku ilaalinaya,” ayay Wasaaraddu ku sheegtay war-saxaafadeedkeeda.

Loading...
Loading...