Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur): Halgamaagii Qaranka iyo Madaxweynihii ugu horreeyey ee Somaliland

0
Sunday May 10, 2026 - 14:04:14 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 54
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur): Halgamaagii Qaranka iyo Madaxweynihii ugu horreeyey ee Somaliland

    Sidoo kale, waxa uu door weyn ku lahaa gogoshii nabadeed iyo shirarkii dib-u-heshiisiinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale, waxa uu door weyn ku lahaa gogoshii nabadeed iyo shirarkii dib-u-heshiisiinta

May be an image of one or more people and text that says 'BUNTU BLOTO'


Warbixin uu baahiyey TV-ga Qaranka Somaliland ayaa lagu iftiimiyey taariikhda iyo kaalintii qaran ee uu ku lahaa Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), oo ahaa halgamaa qaran iyo aasaasihii Jamhuuriyadda Somaliland.


 

Marxuum Cabdiraxmaan Tuur waxa lagu xasuustaa hoggaamiye aragti dheer leh, siyaasi qaranimo ku suntan iyo masuul door weyn ka qaatay halgankii dib-u-xoreynta Somaliland iyo dib-u-dhiska dowladnimadii dib loo yagleelay sannadkii 1991-kii.


 

Intii uu socday halgankii SNM, Cabdiraxmaan Tuur waxa uu door muhiim ah ku lahaa mideynta bulshada, isku-dubbaridka halganka iyo raadinta taageerada siyaasadeed ee dibadda. Hoggaamintiisii muddada dheer socotay ayaa sababtay inuu noqdo Guddoomiyihii SNM ee dalka xoreeyey.


 

Sannadkii 1991-kii ayaa shirkii taariikhiga ahaa ee beelaha Somaliland uga qabsoomay magaalada Burao loogu doortay Madaxweynaha ugu horreeya ee Jamhuuriyadda Somaliland, kadib go’aankii dib loogu soo ceshaday madax-bannaanida Somaliland.


 

Mudadii uu xilka hayey, Marxuum Cabdiraxmaan Tuur waxa uu xoogga saaray dib-u-heshiisiinta bulshada, nabadaynta dalka iyo dhismaha hay’adihii ugu horreeyey ee dowladnimo. Waxa uu hormuud u noqday dedaalladii lagu dhisayay nidaam ku salaysan wada-tashi, nabad iyo iskaashi bulsho.


 

Sidoo kale, waxa uu door weyn ku lahaa gogoshii nabadeed iyo shirarkii dib-u-heshiisiinta ee saldhigga u noqday xasilloonida iyo nidaamka dimuqraaddiyadeed ee Somaliland maanta lagu ammaano.


 

Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) waxa uu geeriyooday sannadkii 2003-dii, hase yeeshee shacabka Somaliland ayaa weli si weyn u xasuusta kaalintii lama illaawaanka ahayd ee uu ku lahaa halganka, nabadaynta iyo dhismaha qaranka Somaliland.


 

Sawirka iyo warbixinta waxaa xuquuqdooda iska leh Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, waxaana sawirka qaaday sawirqaade Xasan Shugri.

Loading...
Loading...