Khayriyada Hargaysa oo galabta lagu qabanayo isku soo bax hordhac u ah dabaaldagga 18-ka May

Xaafadda Khayriyada ee magaalada Hargeisa ayaa galabta lagu wadaa inuu ka qabsoomo isku soo bax ballaadhan oo hordhac u ah dabaaldagyada xuska 18-ka May.
Isku soo baxan ayaa la filayaa inay ka qayb galaan qeybaha kala duwan ee bulshada, dhalinyaro, haween iyo masuuliyiin deegaanka ah, kuwaasi oo muujin doona taageerada iyo dareenka ku aaddan maalinta qaran ee 18-ka May.
Sidoo kale, waxaa la qorsheeyay in goobta lagu soo bandhigo calanka Somaliland, heeso wadani ah iyo bandhigyo kala duwan oo lagu xusayo munaasabadda 18-ka May oo ah maalin muhiim u ah shacabka Somaliland.
Magaalada Hargaysa ayaa guud ahaan laga dareemayaa diyaar-garow xooggan oo la xiriira dabaaldagyada maalinta 18-ka May, iyadoo xaafado badan laga bilaabay qurxinta waddooyinka iyo goobaha dadweynaha.


0 





