DEG-DEG: Xaafadda Seybiyaano oo Mooto Bajaaj lagu gubay iyo mudaharaadyo ka socda

0
Sunday May 10, 2026 - 13:56:07 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 100
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG-DEG: Xaafadda Seybiyaano oo Mooto Bajaaj lagu gubay iyo mudaharaadyo ka socda

    Goobjoogayaal ayaa sheegay in xaalad kacsanaan ah laga dareemayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Goobjoogayaal ayaa sheegay in xaalad kacsanaan ah laga dareemayo



Wararka hadda laga helayo xaafadda Seybiyaano ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in mudaharaadyo halkaasi ka socda ay isku beddeleen rabshado, iyadoo la sheegay in Mooto Bajaaj dab la qabadsiiyay.


 

Goobjoogayaal ayaa sheegay in xaalad kacsanaan ah laga dareemayo xaafadda, halkaas oo dad careysan ay isugu soo baxeen, islamarkaana uu hakad galay isku socodkii gaadiidka iyo ganacsiga.



 

Ciidamada ammaanka ayaa lagu soo warramayaa inay gaareen goobaha ay rabshaduhu ka jiraan si ay xaaladda u xakameeyaan, iyadoo wali la maqlayo banaanbaxyo iyo dhaq-dhaqaaqyo ka socda qeybo kamid ah xaafadda.


 

Ilaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dhacdadan, mana jirto war rasmi ah oo kasoo baxay hay’adaha ammaanka ee dowladda.


Loading...
Loading...