Mucaaradka oo shaaciyay goobta cusub ee lagu qabanayo dibad-baxa kadib go'aankii Dowladda Federaalka

0
Sunday May 10, 2026 - 13:51:50 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 48
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mucaaradka oo shaaciyay goobta cusub ee lagu qabanayo dibad-baxa kadib go'aankii Dowladda Federaalka

    Sidoo kale, madaxda mucaaradka ayaa xusay inay ixtiraamayaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale, madaxda mucaaradka ayaa xusay inay ixtiraamayaan


Madaxda mucaaradka Soomaaliya ayaa shaaciyay goobta rasmiga ah ee lagu qaban doono dibad-baxa ay hore ugu dhawaaqeen, kadib go’aan kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la xiriiray goobaha bannaanbaxyada lagu qaban karo.


 

Mucaaradka ayaa sheegay in dibad-baxu ka dhici doono goobta ay dowladdu u asteeysay isu-soo-baxyada shacabka, iyagoo ugu baaqay taageerayaashooda inay si nabad ah uga qayb qaataan mudaharaadka.



 

Sidoo kale, madaxda mucaaradka ayaa xusay inay ixtiraamayaan amniga iyo kala dambeynta, balse ay shacabka u gudbinayaan fariimo ku saabsan xaaladda siyaasadeed iyo cabashooyinka jira.


 

Dhanka kale, ciidamada ammaanka ayaa la geeyay waddooyinka muhiimka ah iyo goobaha la filayo inuu ka dhaco dibad-baxu, si loo xaqiijiyo amniga magaalada Muqdisho.


 

Go’aankan cusub ayaa yimid kadib wada-hadallo iyo cadaadis siyaasadeed oo la xiriiray goobta lagu qabanayo dibad-baxa mucaaradka.

Loading...
Loading...