Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye: "Somaliland maanta caalamka ayay hadal-haysaa, midnimadana waa in la ilaashadaa"
Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye ayaa sheegay in Somaliland ay maanta si weyn uga dhex muuqato caalamka, isla markaana ay sii kordhayaan rajada laga qabo in aqoonsi caalami ah ay hesho.
Xildhibaanku wuxuu tilmaamay in dedaallada siyaasadeed, nabadda iyo dimuqraadiyadda Somaliland ay sabab u noqdeen in indhaha beesha caalamku kusoo jeestaan Somaliland, isagoo xusay in la rajaynayo in wadamo kale ay ku soo biiraan aqoonsiga Somaliland mustaqbalka dhaw.
Sidoo kale, wuxuu bulshada ugu baaqay inay ilaashadaan midnimada, wadajirka iyo nabadda, kuwaasi oo uu ku tilmaamay tiirarka ugu muhiimsan ee Somaliland ku gaadhay horumarka iyo xasilloonida ay maanta leedahay.
Ugu dambayn, Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye ayaa sheegay in shacabka Somaliland looga baahan yahay inay sii xoojiyaan isku duubnida iyo taageerada ay u hayaan qarannimada Somaliland.


0 





