Taliyaha Booliska Somaliland: "Cadawga Somaliland ma ogola horumarka dalka, amniga waa in la ilaashadaa"

0
Sunday May 10, 2026 - 13:39:05 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 23
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Booliska Somaliland: "Cadawga Somaliland ma ogola horumarka dalka, amniga waa in la ilaashadaa"

    Sidoo kale, wuxuu digniin u diray cid kasta oo isku dayda inay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale, wuxuu digniin u diray cid kasta oo isku dayda inay


Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland ayaa sheegay in cadawga Somaliland aanu raalli ka ahayn horumarka, nabadda iyo wanaagga ay gaadhay Somaliland, isagoo shacabka ugu baaqay inay si buuxda uga qayb qaataan ilaalinta amniga dalka.


 

Taliyuhu wuxuu xusay in amnigu yahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu gaadhi karo horumar, maalgashi iyo xasillooni bulsho, isla markaana loo baahan yahay in bulshada iyo hay’adaha ammaanku iska kaashadaan sugidda nabadgelyada.



 

Sidoo kale, wuxuu digniin u diray cid kasta oo isku dayda inay carqaladayso amniga iyo deganaanshaha Somaliland, isagoo adkeeyay in ciidamada ammaanku heegan buuxa ugu jiraan ilaalinta shacabka iyo qaranka.


 

Hadalkan ayaa imanaya xilli Somaliland ay dadaal ku bixinayso xoojinta amniga iyo horumarinta adeegyada bulshada.


Loading...
Loading...