Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Oo Qabatay Shir Lagu Dardargelinayo Qorshaha Horumarinta Dhaqaalaha

0
Sunday May 10, 2026 - 13:35:12 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 26
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Oo Qabatay Shir Lagu Dardargelinayo Qorshaha Horumarinta Dhaqaalaha

    Doodo iyo falanqayn dheer kadib, waxaa la isla qaatay:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doodo iyo falanqayn dheer kadib, waxaa la isla qaatay:



Xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Somaliland ayaa lagu qabtay shir saddex-biloodle ah oo lagu falanqeeyay qaybta dhaqaalaha ee Qorshaha Horumarinta Qaranka Saddexaad (NDP III), kaasi oo markii ugu horreysay ay si rasmi ah u hoggaaminaysay Wasaaradda Maaliyaddu.


 

Kulankan hawleedka ah ayaa waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Waaxyaha Qorshaynta iyo Dhaqaalaha, waxaana ka qayb galay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda ee bah-wadaagta ku ah arrimaha dhaqaalaha iyo horumarinta dalka.



 

Shirka waxaa furay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Somaliland, isaga oo ay weheliyaan Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorshaynta Qaranka.


 

Intii uu kulanku socday, masuuliyiinta iyo khubaradu waxay si qoto dheer uga wada hadleen:

 

horumarka laga sameeyay qaybta dhaqaalaha,

caqabadaha jira,

qorshayaasha mustaqbalka,


iyo sidii loo dardargelin lahaa hirgelinta qorshayaasha dhaqaalaha ee ESCOM.

 

Doodo iyo falanqayn dheer kadib, waxaa la isla qaatay:

 

in la xoojiyo wada-shaqaynta hay’adaha dhaqaalaha,

la dedejiyo hawlaha mudnaanta leh,


isla markaana shirarka dib-u-eegista la qabto afartii biloodba mar iyadoo ay hoggaaminayso Wasaaradda Maaliyaddu.


 

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu kala qaatay waajibaadka iyo masuuliyadaha ay hay’adaha kala duwan ka leeyihiin hirgelinta qorshaha horumarinta dhaqaalaha qaranka.

Loading...
Loading...