Rumaynta Riyada Waa Inta U Dhaxaysa Samirka Iyo Iska-caabinta
Riyada iyo himilooyinka waaweyn ma rumoobaan hal habeen gudaheed, balse waxay u baahan yihiin samir, adkaysi iyo awood uu qofku isaga caabiyo caqabadaha iyo hadallada niyad-jabka ah. Dad badan ayaa leh riyooyin qurux badan, laakiin waxa kala saara kuwa guulaysta iyo kuwa kale waa awoodda ay u leeyihiin inay aamusiyaan shaki kasta oo ka hor imanaya himiladooda.
Mararka qaar, xeeladda ugu wanaagsan ee guushu waa inaad sir ka dhigato qorshayaashaada ilaa ay ka bislaadaan. Marka aad himiladaada meel ammaan ah ku ilaaliso, waxaad badbaadinaysaa tamartaada, diiraddaada iyo dadaalkaaga. Dad badan marka ay riyadooda dadka la wadaagaan iyada oo aan weli rumoobin, waxay dareemaan qanacsanaan degdeg ah oo ka hor istaagta shaqadii dhabtaa ahayd ee loo baahnaa.
Sidoo kale, waxaa jira hadallo iyo aragtiyo taban oo dadka qaar kuu gudbin karaan:
shaki,
cabsi,
ama niyad-jab,
kuwaas oo si tartiib ah u wiiqi kara go’aankaaga iyo kalsoonidaada.
Dadku mar walba ma fahmaan aragtida fog ee aad adigu aragto. Qaar waxay ku qiimeeyaan himiladaada waxa ay maanta arkaan, iyaga oo aan garanayn meesha aad berri gaadhi karto. Sidaa darteed, waxaa muhiim ah inaad dhisato qalbi adag iyo maskax aan si fudud ugu jilcin hadallada dadka.
Guusha dhabta ahi waxay jeceshahay xasilloonida iyo shaqada aamusan. Halkii aad hadal badan ku mashquuli lahayd, u daa natiijadaadu inay dadka u hadasho.
Xusuusnow:
safarkaaga adigaa leh,
riyadaaduna adigaa masuul ka ah,
sirta iyo samirkuna waa labada furaha ugu muhiimsan ee lagu ilaaliyo himilo kasta ilaa ay ka rumoobayso.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





