Mooshinkii Wax-ka-beddelka Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Oo Fashilmay

0
Sunday May 10, 2026 - 12:50:34 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 48
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mooshinkii Wax-ka-beddelka Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Oo Fashilmay

    Intii uu socday fadhiga, qaar kamid ah mudanayaasha Golaha ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Intii uu socday fadhiga, qaar kamid ah mudanayaasha Golaha ...



Golaha Wakiillada Somaliland ayaa yeeshay fadhigii 4-aad ee Kal-fadhiga 14-aad oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Yaasin Xaaji Maxamuud Xiir.


 

Intii uu socday fadhiga, qaar kamid ah mudanayaasha Golaha ayaa Shir-guddoonka u gudbiyay mooshin la xidhiidha wax-ka-beddelka Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Xeer Lr. 01/2021.



 

Mooshinkan ayaa ku salaysnaa qodobka 68-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha, kaasi oo dhigaya in ugu yaraan saddex meelood meel xubnaha Golaha ay soo jeedin karaan wax-ka-beddelka xeer-hoosaadka.


 

Xildhibaannada gudbiyay mooshinka ayaa sheegay inay buuxiyeen dhammaan shuruudihii sharci iyo habraac ee looga baahnaa soo gudbinta mooshinka.


 

Hase yeeshee, markii mooshinka la hor keenay Golaha, waxaa goobta joogay 20 xildhibaan oo keliya, halka 9 xildhibaan oo kale ay ka maqnaayeen, iyadoo la sheegay in qaar kamid ahi ay ka noqdeen taageeradii mooshinka.


 

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa ugu dambayn ku dhawaaqay in mooshinku aanu helin tiradii sharci ahaan loo baahnaa, sidaas darteedna uu buray isla markaana aanu sii socon karin.

Loading...
Loading...