Wafti Culus oo Xukuumadda Somaliland ka Socda oo Gaadhay Borama

0
Saturday May 09, 2026 - 19:30:26 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 116
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafti Culus oo Xukuumadda Somaliland ka Socda oo Gaadhay Borama

    Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin ujeeddada safarkan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin ujeeddada safarkan,



Wafti heer sare ah oo ay ku jiraan wasiiro iyo masuuliyiin kala duwan, isla markaana uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, ayaa maanta gaadhay magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal.


 

Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin ujeeddada safarkan, haddana wararka la helayo ayaa tilmaamaya in socdaalka wafdigan uu la xidhiidho xaaladaha amni iyo dadaallada nabadeed ee xukuumadda Somaliland ka waddo gobollada Awdal iyo Salal.



 

Safarkan ayaa imanaya xilli ay socdaan kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xidhiidha xasilloonida deegaanadaasi, iyadoo la filayo in wafdigu la kulmo madaxda gobolka, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si loo xoojiyo wada-hadallada nabadda iyo amniga.

Loading...
Loading...