Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Oo Kormeeray Dugsiyada Ceerigaabo

0
Saturday May 09, 2026 - 15:53:30 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 51
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Oo Kormeeray Dugsiyada Ceerigaabo

    Masuuliyiinta ayaa indho-indhayn ku sameeyay:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuuliyiinta ayaa indho-indhayn ku sameeyay:



Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Somaliland, Maxamed Muuse Xaaji Cabdi (Gallaydh), ayaa kormeer shaqo ku tegay qaar ka mid ah dugsiyada magaalada Erigavo si loo qiimeeyo xaaladda waxbarashada iyo diyaar-garowga imtixaanaadka qaranka.


 

Kormeerkan waxaa ku weheliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Imtixaanaadka Qaranka iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada ee gobolka Sanaag.



 

Masuuliyiinta ayaa indho-indhayn ku sameeyay:

 

habsami u socodka waxbarashada,

diyaar-garowga ardayda,

iyo xaaladda guud ee dugsiyada magaalada.


 

Sidoo kale, waxay kulan dhiirrigelin iyo wacyigelin ah la yeesheen ardayda sanadkan dhamaynaysa dugsiyada, iyaga oo ku boorriyey:


 

dadaal dheeraad ah,

anshax wanaagsan,


iyo inay si fiican ugu diyaar-garoobaan imtixaanaadka iyo mustaqbalkooda waxbarasho.


 

Wasiir Ku-xigeenka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda waxbarashadu u leedahay horumarka bulshada iyo mustaqbalka dhalinyarada Somaliland.

Loading...
Loading...