Fannaan Maxamed BK Oo Hees Kaga Hadlay Aqoonsiga Somaliland
Heestan ayaa qayb ka noqotay heesaha iyo farriimaha fanaaniinta Somaliland
Fannaanka caanka ah ee reer Somaliland Maxamed BK ayaa hees cusub ku weydiiyay Soomaaliya su’aalo la xidhiidha qaddiyadda aqoonsiga Somaliland iyo dareenka kasoo horjeedka ah ee ka dhasha arrimahaas.
Erayada heesta ayuu ku yidhi:
"Cakaarada koonfurtay inaad wada ciilqabtan,
caqligaad xaasidiin ka tihiin.
Cariga Somaliland markuu ictiraafku yimid
Maxaad la cadhoonaysan?
Maxaad la calaacasheen?
Maxaad la cool xun tihiino?”
Heestan ayaa qayb ka noqotay heesaha iyo farriimaha fanaaniinta Somaliland ku muujiyaan taageerada qaranimada, aqoonsiga iyo midnimada shacabka Somaliland, gaar ahaan xilliga loogu diyaar-garoobayo xuska 18-ka May.
Loading...
Loading...


0 





