Somaliland iyo Israa'iil oo Ka Wada Hadlay Iskaashi Dhaqaale iyo Fursado Maal-gashi

0
Saturday May 09, 2026 - 15:12:50 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 24
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland iyo Israa'iil oo Ka Wada Hadlay Iskaashi Dhaqaale iyo Fursado Maal-gashi

    Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ...



Shir ganacsi oo u dhexeeyay Somaliland iyo Israa’iil ayaa lagu falanqeeyay fursado cusub oo la xiriira iskaashi dhaqaale, maal-gashi iyo horumarinta xidhiidhka ganacsi ee labada dhinac.


 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo ay kamid yihiin maal-gashiga dekedaha, saadka, tamarta, kalluumaysiga, tiknoolajiyadda, beeraha, kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka iyo macdanta, iyadoo sidoo kale gogol xaadh looga dhigayo iskaashi waara iyo xiriir ganacsi oo muddo dheer socon kara.



 

Safiirka Somaliland u fadhiya Israa’iil, Ambassador Mohamed Hajji, ayaa sheegay in shirkan uu muhiim u yahay isu keenidda maal-gashadayaasha, ganacsatada iyo shirkadaha labada dhinac si loo abuuro fursado cusub oo dhinaca ganacsiga iyo dhaqaalaha ah.


 

Waxa uu sidoo kale xusay in Somaliland ay leedahay fursado maal-gashi oo ballaadhan, gaar ahaan goobta istiraatiijiga ah ee ay ku taallo iyo khayraadka dabiiciga ah ee dalka, kuwaasi oo soo jiidan kara maal-gashi caalami ah.


 

Shirkan ayaa kusoo beegmaya xilli Somaliland ay dadaal ugu jirto ballaarinta xiriirrada dhaqaale iyo soo jiidashada maal-gashi shisheeye oo ka qeyb qaata koboca dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada dalka.

Loading...
Loading...