Rutu Waa Kama Rayso, Ka Rooru Kama Reeyo, Ruugagay U Dhigtaaye, Day Rafadka Gurguurte.

0
Saturday May 09, 2026 - 15:09:32 in Articles by Faisal Abdullahi
  • Visits: 57
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rutu Waa Kama Rayso, Ka Rooru Kama Reeyo, Ruugagay U Dhigtaaye, Day Rafadka Gurguurte.

    Runi Waa Kama Rayso,Raagitaan Ha Lahaate,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Runi Waa Kama Rayso,Raagitaan Ha Lahaate,



Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim,[A.S.C.W.R.W.B]

 

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaash.


 

 

Runi Waa Kama Rayso,Raagitaan Ha Lahaate,

 

Ruuxa Maalmo Ka Roora,Rugagay U Dhigtaye,



 

Raad Cadaalihi Reerka,Raarta Waayo U Jiifay.

 

Rafaadiye Rare Wayey,Mucaaridkii Ma Ka Reeyay,


 

Riwaayadii Socon Weydo,Raadkisay Gurayaano,

 

Rakadu Fuulay Gurguurte,Raran Bay Ku Shideen,


 

Raasamaalka Aduunyo,Rogrogaal Badnideeda,

 

Raad Arooryo Sidiisaba,Raacdadiisu Ha Raagte,


 

Runtun Bay Ku Denbayno,Israacsha Kuma Reeyo,

 

Rako Dheer Ninkay Saartay,Iyadunba Ka Ridaysa,


 

Rah Xareed Ka Dhex Heesay,Rarankeeda Cadceeda,

 

Raxanradka Abaarta,Rumaysan Maayo Kulaylka,


 

Raandhiisnaw Noqon Mayso,Xaraanti U Rasastay,

 

Ragaadintii Jubalaaniyo,Raxanweyn Tanu Yeelay,


 

Riiqdeeda Dheerun Budlaan,Rukunadu Saarilaha.

 

Ismail Abdillahi Handuleh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...