Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Gaal Oo Ka Mid Ahaa Haldoorkii Shirkii Taariikhiga Ahaa Ee 18-ka May 1991
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal), ayaa ka mid ahaa haldoorkii iyo siyaasiyiintii door weyn ka qaatay shirkii taariikhiga ahaa ee 18-ka May 1991 lagu qabtay magaalada Burao, kaasi oo lagaga dhawaaqay dib ula soo noqoshada qaranimada Somaliland.
Saleebaan Gaal ayaa muddo dheer door muuqda kaga jiray:
dib u dhiska Somaliland,
nabadaynta bulshada,
iyo dhismaha dawladnimada Somaliland,
isaga oo lagu xusuusto kaalintiisii hoggaamineed iyo dadaalladii uu ku bixiyay xasilloonida iyo wadajirka dalka.
Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa si maalinle ah u soo bandhigaysa sawirradii iyo sooyaalkii shirkii 18-ka May 1991, si bulshada loogu xasuusiyo haldoorkii dhidibada u taagay qaranimada Somaliland iyo taariikhda dib ula soo noqoshada madax-bannaanida.
Xuquuqda sawirrada waxaa leh Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, waxaana qaaday sawirqaade sare Xasan Shukri.


0 





