Wasiir Ku-xigeenka Biyaha Oo Kormeeray Mashaariicda Biyaha Ee Boorama
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland, Mukhtaar Xaaji Maxamed Faarax, ayaa kormeer ku sameeyey mashaariicda biyaha ee ka socda magaalada Borama iyo dadaallada lagu xoojinayo helitaanka biyo ku filan oo waara.
Safarka shaqo ee Wasiir Ku-xigeenka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta heerka ay marayaan mashaariicda biyaha iyo sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyada biyaha ee bulshada deegaanka.
Sidoo kale, Wasiir Ku-xigeenka ayaa kulan la yeeshay madaxda SHABA Water Company iyo Isu-duwaha Wasaaradda Horumarinta Biyaha ee gobolka Awdal.
Kulanka ayaa lagaga hadlay:
xoojinta adeegyada biyaha,
dardargelinta mashaariicda socda,
iyo sidii bulshada Boorama u heli lahayd biyo joogto ah oo tayo leh.
Masuuliyiinta ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta hay’adaha biyaha iyo shirkadaha adeegga bixiya si loo daboolo baahiyaha biyaha ee sii kordhaya.


0 





