Somaliland Iyo Israa'iil Oo Bilaabay Iskaashi Ganacsi Oo Cusub, Shir Taariikhi Ahna Ku Yeeshay Itoobiya

Shir ganacsi oo lagu tilmaamay mid taariikhi ah ayaa magaalada Addis Ababa ku dhexmaray ganacsato iyo masuuliyiin ka kala socday Somaliland iyo Israel, iyadoo labada dhinac ay si rasmi ah uga wada hadleen dhismaha iskaashi dhaqaale iyo ganacsi oo cusub.
Kulankan oo uu soo agaasimay Safiirka Somaliland ee Israa’iil, Dr. Maxamed Xaaji, ayaa waxaa ka qayb galay wafti heer sare ah oo ka socday xukuumadda Somaliland, kuwaas oo uu hoggaaminayay Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland, Cabdiraxmaan Xasan Nuur.
Waftiga Somaliland waxaa sidoo kale kamid ahaa:
Guddoomiyaha Baanka Somaliland,
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caymiska Qaranka,
iyo ganacsato uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland.
Dhanka Israa’iil, kulanka waxaa kasoo qayb galay Safiir Ku-xigeenka Israa’iil ee Itoobiya iyo diblomaasiyiin kale, halka Safiirka Israa’iil ee Somaliland uu khadka internet-ka kaga qayb galay shirka.
Qorsheyaal Waaweyn Oo La Isla Falanqeeyay
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii labada dhinac uga wada shaqeyn lahaayeen:
horumarinta beeraha,
tamarta,
tiknoolajiyadda casriga ah,
kaabayaasha dhaqaalaha,
nidaamyada maaliyadeed,
iyo adeegyada caafimaadka.
Wasiirka Ganacsiga Somaliland ayaa sharaxay muhiimadda istiraatiijiga ah ee Somaliland iyo fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, isaga oo sheegay in xukuumaddu diyaar u tahay inay soo dhaweyso shirkadaha iyo ganacsatada doonaya inay maalgashi ka sameeyaan Somaliland.
Iskaashi Dhaqaale Oo Heer Cusub Gaadhaya
Ganacsatada labada dhinac ayaa sidoo kale yeeshay wada-hadallo gaar ah oo lagu falanqeeyay:
kobcinta ganacsiga,
furitaanka suuqyo cusub,
iyo sidii loo abuuri lahaa xiriir dhaqaale oo waara.
Gabagabadii shirka, labada dhinac ayaa isla qaatay:
in wada-hadallada la sii wado,
la sameeyo madal iskaashi joogto ah,
isla markaana la dhiso xiriir dhaqaale iyo maalgashi oo mustaqbal fog leh.
Shirkan ayaa loo arkaa mid muujinaya isbeddel cusub oo dhinaca diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha ah, iyadoo Somaliland sii ballaadhinayso xiriirrada caalamiga ah iyo iskaashiga ganacsi ee gobolka iyo caalamka.


0 





