Qiso Murugo Leh Oo Xambaarsan Cibro Iyo Baraarujin
Magaalada Johannesburg ee dalka South Africa waxaa ganacsi ku lahaa nin Soomaali ah oo ay u shaqayn jirtay gabar ajanabi ah oo madow ah.
Gabadhan ayaa aad u jeclaatay Diinta Islaamka, waxayna marar badan ninka u sheegtay inay doonayso inay Islaamka soo gasho. Waxay ka codsan jirtay inuu ka caawiyo sida ay Muslim ku noqon lahayd ama ugu yaraan uu ku xidho cid kale oo diinta bari karta.
Laakiin ninku mar kasta wuxuu ugu jawaabi jiray:
"Shaqadaada aqoonso.”
Inkasta oo gabadhu codsigeeda ku celcelinaysay, haddana ninku dheg jalaq uma siin.
Muddo kadib, gabadhii geeri ayaa ku timid iyadoo aan helin fursaddii ay ku Islaami lahayd.
Waxaa la sheegay in dhacdadaas kadib ninkii uu bilaabay inuu ku riyoodo gabadhii, iyadoo u sheegaysa inay cadaab ku jirto, balse marka uu isagu dhinto booskeeda loo beddeli doono, iyaduna Janno geli doonto.
Riyooyinkaas ayaa noqday kuwo si joogto ah ugu soo noqnoqda, ilaa uu ninkii galay murugo, welwel iyo xanuun daran.
Waxaa loo yeedhay culimo iyo wadaado loo saaray Qur’aan, balse xaaladdiisa wax weyn kama beddelin. Ugu dambayn, isagoo xanuunsan ayaa lagu soo celiyay magaalada Mogadishu, halkaas oo la sheegay inuu la ildarnaa xaalad caafimaad oo adag.
Qisadan waxaa sheegay Sheekh Xasan Xuseen, isaga oo ku tilmaamay dhacdo uu ka maqlay dad lagu kalsoon yahay.
Cibrooyinka Laga Qaadan Karo Qisadan
Mar kasta qofka doonaya xaqa waa in la caawiyaa.
Diinta iyo hanuunka lama fududaysan karo.
Fursadaha kheyrka mararka qaar dib uma soo noqdaan.
Muslimku wuxuu masuul ka yahay inuu wanaagga dadka ku hago intii awooddiisa ah.
Qisadani waxay xambaarsan tahay baraarujin ku saabsan qiimaha dacwada, naxariista iyo in aan la dayicin qof doonaya hanuun iyo xaq.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





