Tarbiyada Guusha Leh Waxay Ka Bilaabataa Dhisidda Gudaha Ilmaha
Tarbiyada saxda ahi kuma dhisna amar badan iyo xakameyn joogto ah, balse waxay ku dhisan tahay fahamka iyo dhisidda gudaha ilmaha. Ilmaha marka si wanaagsan loo dhageysto lana siiyo kalsooni uu dareenkiisa ku muujiyo, waxa uu bartaa sida uu naftiisa u fahmi lahaa iyo sida uu si caafimaad leh ula macaamili lahaa bulshada ku hareeraysan.
Carruur badan oo dareenkooda la qariyo ama lagu cabburiyo waxay mararka qaar ku muujiyaan xanaaq, cabsi ama dhaqan khaldan, halka ilmaha loo oggolaado inuu hadlo, wax waydiiyo oo dareenkiisa cabbiro uu noqdo mid kalsooni leh oo maskax ahaan deggan.
Sidaas darteed, waalidku waa inuu ilmaha siiyo:
jawi ammaan ah oo uu ku hadli karo,
dhagaysi iyo faham,
iyo taageero uu ku muujin karo farxaddiisa, murugadiisa ama fikirkiisa.
Tarbiyada guusha leh waa mid ilmaha ka dhista gudaha, kana dhigta qof leh kalsooni, edeb iyo awood uu si wanaagsan ugu wajahayo nolosha.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





