Trump, Shiinaha Iyo Xiisadda Iiraan: Maxaa Ka Dambayn Kara Dhaqdhaqaaqyada Cusub?

Warbaahinta caalamiga ah ee CNN iyo Axios
ayaa daabacay warbixino muujinaya in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu wajahayo cadaadis siyaasadeed iyo mid militari xilli uu qorsheynayo booqasho uu ku tago China bartamaha bishan May.
Warbixinnadu waxay tilmaamayaan in socdaalka Trump uu ku soo beegmayo xilli aanu wax guul muuqata ah ka gaadhin dagaalka iyo xiisadda kala dhexeysa Iran, arrintaas oo la sheegay inay faa’iido siyaasadeed siin karto hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping.
Xi Jinping Oo Fursad Ka Arkaya Daciifnimada Trump
Falanqaynta CNN ayaa sheegaysa in Beijing ay si dhow ula socoto xaaladda Trump iyo cadaadiska kaga imanaya dagaalka Iiraan, iyadoo la rumeysan yahay in Xi Jinping uu doonayo inuu arrintan uga faa’iideysto wada-hadallada la filayo inay dhex maraan labada hoggaamiye.
Dhanka kale, Axios ayaa sheegtay in Trump uu dareemayo cadaadis iyo "hooseyn siyaasadeed,” taas oo ku qasbaysa inuu raadiyo guul degdeg ah oo uu shacabka Maraykanka iyo caalamkaba u soo bandhigi karo ka hor kulanka Xi Jinping.
Warbixinnadu waxay xusayaan in arrimaha ugu waaweyn ee laga cabsi qabo ay ka mid tahay:
Xiisadda Iiraan
Mustaqbalka Taiwan
Iyo awoodda Shiinaha ee gobolka Asia-Pacific
Masuuliyiin ka tirsan Taiwan ayaa la sheegay inay ka digeen in wada-hadallada Trump iyo Xi lagu soo daro arrimo khuseeya mustaqbalka Taiwan.
Dhaqdhaqaaqyo Militari Oo Soo Kordhay
48-dii saac ee ugu dambeysay, waxaa soo baxay warar muujinaya in Maraykanku:
si degdeg ah ugu diray Bariga Dhexe nidaamyo difaac,
hub casri ah,
iyo qalab militari oo lagu qiyaasay in ka badan 8 bilyan oo dollar.
Falanqeeyayaal badan ayaa arrintan u arkaya diyaargarow militari oo aan caadi ahayn.
Wararka sirdoonka iyo dhaqdhaqaaqyada ciidamada ayaa sidoo kale muujinaya in Washington ay dejisay qorshe cusub oo ka duwan kuwii hore, kaas oo u muuqda mid ku wajahan:
xakamaynta marinka Hormuz,
iyo cadaadis cusub oo lagu saarayo Iiraan.
Maxaa Laga Wadaa Marinka Hormuz?
Strait of Hormuz waa marin-biyoodka ugu muhiimsan dunida ee shidaalka, waxaana mara qayb weyn oo saliidda caalamka ah.
Trump ayaa khudbad uu dhawaan jeediyay ku sheegay:
"Ma ogolaan doonno in Iiraan mar kale dunida ku handado Hormuz.”
Hadalkan ayaa loo fasirtay fariin militari iyo digniin cusub oo loo dirayo Tehran.
Trump wuxuu sidoo kale ku celceliyay:
inuusan aqbali doonin in Iiraan hesho hub nukliyeer ah,
isla markaana aanu "shaqada ka tagi doonin iyada oo aan la dhammeystirin.”
Weerar Cusub Ma Dhici Karaa?
Khubaro badan ayaa aaminsan in:
haddii Iiraan diido tanaasul siyaasadeed,
isla markaana Trump u baahdo guul degdeg ah ka hor kulanka Xi Jinping,
ay jirto suurtagalnimo sare oo Washington ay qaaddo howlgal militari oo xaddidan.
Warbixinnadu waxay tilmaamayaan in ujeeddada ugu weyn ee qorshahaasi noqon karto:
furitaanka marinka Hormuz,
burburinta awoodaha militari ee Iiraan,
iyo in Trump gudaha Maraykanka ugu soo bandhigo "guul istaraatiiji ah.”
Dhaqaalaha Iyo Sicirka Shidaalka
Trump ayaa sidoo kale khudbaddiisa ku sheegay in:
dhaqaalaha Maraykanku xooganaa kahor dagaalka,
qiimaha shidaalkuna hooseeyay.
Hase yeeshee, khubaradu waxay sheegayaan in:
xiisad cusub oo ka qaraxda Bariga Dhexe
ay si toos ah u saameyn karto:
qiimaha shidaalka,
suuqyada caalamiga ah,
iyo dhaqaalaha adduunka.
Dhaqdhaqaaqyada militari ee Maraykanka, hadallada adag ee Trump iyo warbixinnada sirdoonku waxay muujinayaan in xaaladda u dhexeysa Maraykanka iyo Iiraan ay galayso marxalad cusub oo khatar badan.
Sidoo kale, safarka Trump ee Shiinaha iyo kulanka uu la yeelanayo Xi Jinping ayaa u muuqda mid si weyn ugu xiran natiijada uu ka gaadho xiisadda Iiraan, taas oo hadda noqotay arrin saameyn ku leh:
siyaasadda caalamka,
loollanka quwadaha waaweyn,
iyo mustaqbalka Bariga Dhexe.


0 





