Ted Turner Aas-aasihii CNN Oo Geeriyooday Isagoo 87 Jir Ah

Ted Turner oo ahaa aas-aasihii iyo mulkiilihii hore ee CNN
ayaa geeriyooday isagoo 87 jir ah, sida ay xaqiijiyeen warbaahinta caalamiga ah iyo shirkaddiisa Turner Enterprises.
Ted Turner ayaa lagu xusuustaa inuu beddelay warbaahinta caalamka kadib markii uu sannadkii 1980 aas-aasay CNN oo noqotay telefishinkii ugu horreeyay ee si 24 saacadood ah u baahiya wararka.
Sidoo kale, Turner wuxuu ahaa ganacsade iyo maalqabeen caan ah oo lahaa shirkado iyo telefishino waaweyn sida TNT, TBS iyo Cartoon Network, isaga oo sidoo kale caan ku ahaa taageerada deegaanka iyo samafalka.
Wararka ayaa sheegaya in Ted Turner muddo la tacaalayay xaalado caafimaad, gaar ahaan cudurka Lewy body dementia oo uu shaaciyay sanadkii 2018.


0 





