Hargeysa Oo Lagu Qabtay Kulan Lagaga Hadlayay Helitaanka Shidaal Jaban

0
Thursday May 07, 2026 - 12:42:06 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 17
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeysa Oo Lagu Qabtay Kulan Lagaga Hadlayay Helitaanka Shidaal Jaban

    Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Ganacsiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Ganacsiga


May be an image of one or more people and text


Kulan muhiim ah oo ka qabsoomay magaalada Hargeisa ayaa diiradda lagu saaray sidii xal waara loogu heli lahaa shidaal qiimo jaban, kaas oo saameyn weyn ku leh warshadaha laydhka, wax-soo-saarka iyo wakaaladaha biyaha.


 

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland ayaa waxaa furay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Jawhar Siciid Warsame, kaas oo ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la helo qorshe mideysan oo wax ku ool ah.


 

Sidoo kale, waxaa kulanka goob-joog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Komishanka Nidaaminta Tamarta, Eid Saleebaan Cali, oo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo iskaashi dhab ah si loo yareeyo culayska ka dhashay qiimaha shidaalka.


 

Masuuliyiinta ayaa tilmaamay in helitaanka shidaal jaban uu door muhiim ah ka qaadan karo dhimista kharashaadka adeegyada bulshada, kor u qaadista wax-soo-saarka iyo xoojinta dhaqaalaha dalka.

Loading...
Loading...