Dowladda Somaliland Oo Gargaar Kala Duwan Gaadhsiisay Barakacayaal La Dejiyey

0
Thursday May 07, 2026 - 12:06:21 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 41
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Somaliland Oo Gargaar Kala Duwan Gaadhsiisay Barakacayaal La Dejiyey

    Gargaarkan ayaa isugu jiray:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gargaarkan ayaa isugu jiray:



Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani’aadannimada Somaliland oo kaashanaysa Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo daneeyayaal kale ayaa maanta gargaar kala duwan gaadhsiisay qoysas barakacayaal ah oo dhawaan la dejiyey kaamka Naasa Hablood.


 

Gargaarkan ayaa isugu jiray:

 

Bustayaal

Baco

Maacuun

Caagadaha biyaha

Iyo nalalka Solarka ah



 

Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta ayaa sheegay in wasaaraddu tan iyo markii qoysaskan laga soo raray halkii hore ay degganaayeen ku jirtay gurmad iyo taageero joogto ah.


 

Wasiirka ayaa xusay in maanta gargaar la gaadhsiiyey 402 qoys oo barakacayaal ah, isaga oo tilmaamay in hay’adaha dowladda ay si wadajir ah uga shaqaynayaan daboolidda baahiyaha qoysaskan.


 

Sidoo kale, wuxuu sheegay in amar kasoo baxay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ahna ku-simaha Madaxweynaha uu horseeday in dhammaan hay’adaha adeegyada bixiya ay gurmad deg-deg ah gaadhsiiyaan dadka barakacayaasha ah.


 

Wasiirka ayaa yidhi: "Saddex cisho ayaanu heegan ku jirnay, shalay raashinkii ayaanu qaybinay, dowladda hoose dadkii way dejisay, wasiirka caafimaadkuna maanta ayuu ka jawaabay baahiyihii caafimaad.”

Loading...
Loading...