Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Oo Ku Baaqay Qorshe Iyo Wada-shaqayn Adag
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Cabdullaahi Daahir Jaamac (Baashe), ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in shaqada wasaaraddu ku salaysnaato qorshe cad, istaraatiijiyad iyo wada-shaqayn buuxda.
Wasiirka ayaa sheegay in horumarka shaqo uu ka bilaabmo waaxyaha kala duwan ee wasaaradda, isaga oo xusay in dhammaan hawlaha lagu fuliyo si waafaqsan siyaasadda guud ee qaranka iyo xeerarka wasaaradda.
Wuxuu yidhi: "Waxaanu aaminsanahay in shaqada wasaaraddu ka dhaqaaqdo waaxyaha iyaga oo ku shaqaynaya siyaasadda, istaraatajiyadda iyo aragtida guud ee madaxda sare.”
Sidoo kale, wasiirku waxa uu sheegay in qorshaha saddexda bilood ee soo socda uu yahay mid muhiim ah oo la jaanqaadaya hababka casriga ah ee maamulka iyo shaqo-qabashada.
Waxa uu tilmaamay in qorshe kasta oo la fuliyo kadib la cabbiri doono lana qiimeyn doono natiijadiisa, si loo hubiyo waxqabad muuqda iyo horumar joogto ah.
Ugu dambayn, Wasiir Baashe ayaa ugu baaqay shaqaalaha wasaaradda inay muujiyaan isku duubni, wadajir iyo dedaal dheeraad ah si loo gaadho yoolalka wasaaradda.


0 





