Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Ka Shiray Amniga, Dhaqaalaha Iyo Qabanqaabada 18-ka May
Fadhigii 62-aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ahna ku-simaha Madaxweynaha, Mohamed Ali Aw Cabdi, ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.
Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa lagaga hadlay qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin amniga dalka, xaaladda dhaqaalaha, dib-u-dejinta barakacayaasha iyo diyaar-garowga xuska 18-ka May.
Golaha Oo Ka War Helay Xaaladda Amniga Dalka
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab (Sandheere), ayaa Golaha siiyay warbixin ku saabsan xaaladda amniga dalka, isaga oo sheegay in guud ahaan gobollada Somaliland ay amnigoodu sugan yahay.
Wasiirka ayaa xusay in hay’adaha amniga ay heegan sare ku jiraan xilliga loogu diyaar-garoobayo xuska 35-guurada dib ula soo noqoshada qaranimada Somaliland ee 18-ka May.
Sidoo kale, wuxuu shacabka ugu baaqay inay ilaashadaan nabadda iyo xasilloonida dalka.
402 Qoys Oo Dib Loo Dejiyay
Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani’aadannimada, Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac, ayaa Golaha uga warbixiyay dib-u-dejin loo sameeyay 402 qoys oo laga raray dhul ay muddo ku-meel-gaadh ah u degganaayeen.
Wasiirka ayaa sheegay in qoysaskaasi loo raray dhul rasmi ah oo ay ugu deeqday Dawladda Hoose ee Hargeysa, iyadoo sidoo kale la gaadhsiiyay gargaar isugu jira:
Raashin
Biyo
Bustayaal
Bacaha hoyga
Nalal Solarka ah
Iyo agab kale oo muhiim ah
Mashruucan ayaa waxaa iska kaashaday Wasaaradda, Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo hay’ado ay ka mid yihiin UNHCR iyo NADFOR.
????????????Qabanqaabada 18-ka May Oo Meel Fiican Maraysa
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa Golaha la wadaagay warbixin ku saabsan diyaar-garowga xuska 18-ka May.
Wasiirka ayaa sheegay in qorshayaasha qabanqaabadu si habsami leh u socdaan, iyadoo la isku dubbariday hawlaha heer degmo, gobol iyo qaran.
Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda:
Wacyigelinta bulshada
Qurxinta magaalooyinka
Diyaarinta munaasibadaha qaran
Iyo muujinta midnimada shacabka Somaliland
Golaha Oo Ka Dooday Xaaladda Dhaqaalaha
Wasiirka Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa Golaha uga warbixiyay xaaladda dhaqaale ee dalka iyo saamaynta dagaallada Bariga Dhexe ku yeesheen:
Dakhliga dalka
Sicir-bararka
Iyo qiimaha shidaalka iyo maciishadda
Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyaddu waddo daraasad lagu diyaarinayo istaraatiijiyad qaran oo lagaga hortagayo saamaynta dhaqaale ee xaaladaha caalamiga ah.
Madaxweyne Ku-xigeenka Oo Soo Dhaweeyay Suldaan Wabar
Gunaanadkii kulanka, Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa sheegay in xukuumaddu si diirran u soo dhaweynayso cid kasta oo dalka ka maqan oo doonaysa inay ka qayb qaadato nabadda iyo horumarka Somaliland.
Wuxuu si gaar ah u soo dhaweeyay dib ugu soo laabashada Suldaan Abubakar Cilmi Wabar, isaga oo ugu baaqay dhammaan dadka kale ee dalka ka maqan inay ku soo laabtaan dalkooda hooyo kana qayb qaataan horumarka iyo xasilloonida Somaliland.


0 





