Wasaaradda Maaliyadda Oo Qabatay Shir Lagu Dardargelinayo Mashruuca SERP

Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Somaliland ayaa maanta hoolka shirarka ee wasaaradda ku qabatay shir farsamo oo lagaga hadlayay Mashruuca SERP ee uu maalgeliyo Bangiga Adduunka
.
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista waxqabadka mashruuca, qiimeynta horumarka la gaadhay iyo dejinta qorshayaasha mudnaanta leh ee socda.
Kulanka waxaa ka qayb galay hay’adaha wadaagayaasha mashruuca oo ay ka mid yihiin:
Wasaaradda Maaliyadda
Xafiiska Hanti-dhawraha Guud
Xisaabiyaha Guud
Komishanka Maamul Wanaagga
Hay’adda Shaqaalaha Dowladda
Guddida Qandaraasyada Qaranka
Xidhiidhiyaha Mashruuca SERP ayaa shirka ka jeediyay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda mashruuca, horumarka la gaadhay iyo heerka isticmaalka dhaqaalaha mashruuca.
Waxa uu xusay in Somaliland ay si weyn u kordhisay isticmaalka dhaqaalaha mashruuca, iyadoo saddex jibbaartay heerkii hore, taas oo muujinaysa dardar iyo hufnaan sare oo ku aaddan fulinta mashruuca.
Masuuliyiintii ka hadlay shirka ayaa bogaadiyay saamaynta togan ee mashruucu ku leeyahay dib-u-habaynta nidaamka maaliyadda, maamulka dowladda iyo kor u qaadista isla xisaabtanka.
Sidoo kale, waxay ku boorriyeen hay’adaha wadaagayaasha ah inay sii xoojiyaan wada-shaqaynta, ilaalinta hufnaanta iyo dardargelinta hawlaha qorshaysan si mashruucu u gaadho yoolalkiisa istaraatiijiga ah.
Gabagabadii, shirka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan xoojinta iyo dedejinta hawlaha mudnaanta leh ee Mashruuca SERP sannadka 2026.


0 





