Wasiirka Isgaadhsiinta Oo Ka Hadlay Soo Laabashada Suldaan Wabar
Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyada Somaliland, Dr. Cabdisalaan Xuseen Cawaale, ayaa sheegay in Suldaan Abubakar Cilmi Wabar uu go’aansaday inuu dalka dib ugu soo laabto kadib markii uu arkay hoggaan dhegaysanaya shacabka isla markaana tixgelinaya talooyinka bulshada.
Wasiirka ayaa xusay in Suldaan Wabar aanu wax shuruud ah ku xidhin soo laabashadiisa, isla markaana aanay jirin wax gorgortan ah oo dhexmaray dowladda iyo Suldaanka.
Dr. Cabdisalaan ayaa sheegay in xukuumaddu si weyn ugu faraxsan tahay doorka Suldaan Wabar ka qaadan doono nabadda, wadajirka iyo horumarka Somaliland.
Wuxuu yidhi: "Suldaan Wabar markii uu arkay madaxweyne qiimaynaya oo dhagaysanaya shacabka ayuu go’aansaday inuu dalka ku soo laabto, wax shuruud iyo gorgortan ahna kuma xidhin.”


0 





