Wasiirka Madaxtooyada: "Dabaaldegga Ugu Weyn Ee 18 May Waa In Suldaan Wabar Dalka Joogo"

0
Thursday May 07, 2026 - 09:02:19 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 36
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Madaxtooyada: "Dabaaldegga Ugu Weyn Ee 18 May Waa In Suldaan Wabar Dalka Joogo"

    Wasiirka oo ka hadlay munaasibad lagu soo dhaweynayay Suldaanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka oo ka hadlay munaasibad lagu soo dhaweynayay Suldaanka



Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in dhacdada ugu weyn ee lagu farxayo xuska 18-ka May sannadkan ay tahay dib ugu soo laabashada Suldaan Abubakar Cilmi Wabar.


 

Wasiirka oo ka hadlay munaasibad lagu soo dhaweynayay Suldaanka ayaa tilmaamay in joogitaanka Suldaan Wabar uu yahay arrin muhiim u ah midnimada, nabadda iyo wadajirka bulshada Somaliland.



 

Sidoo kale, Khadar Xuseen Cabdi ayaa si adag u dhaliilay dowladda Soomaaliya, isaga oo sheegay in dhaqaalaha lagu bixiyo kala qaybinta Somaliland aanu wax faa’iido ah lahayn, balse uu yahay arrin ceeb ku ah bulshada.


 

Wasiirku wuxuu caddeeyay in Somaliland aanay dib ugu noqon doonin midnimadii Soomaaliya, isaga oo carrabka ku adkeeyay in jiritaanka iyo horumarka Somaliland lagu gaadhi karo wadajir iyo iskaashi bulsho.


 

Waxa uu yidhi: "Dabaaldegga ugu weyn ee sannadkan ee 18 May waa in Suldaan Wabar nala joogo.”

Loading...
Loading...