Suldaan Wabar Oo Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro Ku Amaanay Soo Laabashadiisa
Suldaan Abubakar Cilmi Wabar oo maanta dib ugu soo laabtay Somaliland kadib muddo uu dalka ka maqnaa, ayaa sheegay in Madaxweyne Abdirahman Mohamed Abdullahi Irro door weyn ka qaatay sidii uu dalka ugu soo noqon lahaa.
Suldaanka ayaa xusay in Madaxweynaha Somaliland waqti iyo dedaal badan geliyay dib ugu soo laabashadiisa, si uu uga mid noqdo madaxda dhaqanka ee ka shaqeeya nabadda iyo isku xidhka bulshada.
Wuxuu yidhi: "Madaxweynaha Somaliland ayaa wakhti badan geliyay sidii aan dalka ugu soo noqon lahaa.”
Suldaan Wabar ayaa sidoo kale uga mahadceliyay xukuumadda Somaliland soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay, isaga oo sheegay inuu ka shaqayn doono nabadgelyada, walaalaynta bulshada iyo xoojinta wadajirka shacabka Somaliland.


0 





