Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Ka Hadlay Soo Laabashada Suldaan Wabar

0
Thursday May 07, 2026 - 08:01:36 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 10
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Ka Hadlay Soo Laabashada Suldaan Wabar

    Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyay munaasibad lagu soo dhaweynayay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyay munaasibad lagu soo dhaweynayay



Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab (Sandheere), ayaa sheegay in Suldaan Abubakar Cilmi Wabar aanu muddadii uu dalka ka maqnaa ku jirin wax dhibaato ah oo ka dhan ah Somaliland iyo shacabkeeda.


 

Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyay munaasibad lagu soo dhaweynayay Suldaanka oo dib ugu soo laabtay dalka, isagoo xusay in xukuumaddu si weyn ugu faraxsan tahay soo noqoshadiisa.



 

Cabdalle Sandheere ayaa tilmaamay in Suldaan Wabar uu door muhiim ah ka qaadan doono dadaallada nabadaynta iyo xasillinta bulshada, isaga oo sheegay in dib ugu soo laabashadiisu tahay tallaabo wanaagsan oo dhinaca wadajirka iyo nabadda ah.


 

Wasiirka ayaa si kooban u yidhi: "Suldaan Wabar kuma maqnayn wax dhibaato ku ah Somaliland.”

Loading...
Loading...