Gabiley Oo Bilowday Olole Nadaafadeed Loogu Diyaar-garoobayo 18-ka May

0
Thursday May 07, 2026 - 02:16:27 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 23
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabiley Oo Bilowday Olole Nadaafadeed Loogu Diyaar-garoobayo 18-ka May

    Ololahan ayaa lagu nadiifinayay jidadka waaweyn iyo goobaha muhiimka...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ololahan ayaa lagu nadiifinayay jidadka waaweyn iyo goobaha muhiimka...



Dawladda Hoose ee Gabiley oo kaashanaysa bulshada magaalada ayaa maanta fulisay olole nadaafadeed oo ballaadhan, kaas oo qayb ka ah diyaar-garowga xuska maalinta qaran ee 18-ka May.


 

Ololahan ayaa lagu nadiifinayay jidadka waaweyn iyo goobaha muhiimka ah ee magaalada, iyadoo masuuliyiinta dawladda hoose, dhalinyarada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ay si wadajir ah uga qayb qaateen hawlaha nadaafadda.



 

Masuuliyiinta degmada ayaa sheegay in ujeeddada ololahani tahay kor u qaadista bilicda iyo nadaafadda magaalada, si Gabiley ugu diyaar garowdo munaasibadda qaran ee 18-ka May oo leh muhiimad weyn.

Loading...
Loading...