SOLJA Oo Shaacisay In La Soo Afjaray Khilaafkii Golaha Wakiillada Iyo Warbaahinta

0
Thursday May 07, 2026 - 07:31:14 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 15
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SOLJA Oo Shaacisay In La Soo Afjaray Khilaafkii Golaha Wakiillada Iyo Warbaahinta

    Shaafici ayaa tilmaamay in la dejin doono habraac cusub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shaafici ayaa tilmaamay in la dejin doono habraac cusub



Guddoomiyaha ururka SOLJA, Shaafici Maxamed Ibraahim, ayaa ku dhawaaqay in si rasmi ah loo dhammeeyay khilaafkii u dhexeeyay Golaha Wakiillada iyo bahda warbaahinta Somaliland.


 

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in labada dhinac dib ugu laabanayaan hawlahoodii caadiga ahaa, isaga oo xusay in warbaahinta iyo Golaha Wakiilladu muddo dheer ahaayeen saaxiibo si dhow u wada shaqeeya.



 

Shaafici ayaa tilmaamay in la dejin doono habraac cusub oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta labada dhinac, si mustaqbalka loogu xalliyo wixii caqabado ama tabashooyin ah ee soo baxa.


 

Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay suxufiyiinta inay ilaaliyaan sumcadda iyo sharafta mihnaddooda iyaga oo gudanaya waajibaadkooda shaqo, halka Golaha Wakiilladana uu ugu baaqay inay diyaariyaan jawi ku habboon shaqada warbaahinta.

Loading...
Loading...