Wasaaradda Deegaanka Oo Qabatay Tababar Lagu Kobcinayo Xirfadaha Shaqaalaha

0
Thursday May 07, 2026 - 07:01:37 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 12
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Deegaanka Oo Qabatay Tababar Lagu Kobcinayo Xirfadaha Shaqaalaha

    Tababarkan ayaa diiradda lagu saaray laba qodob oo muhiim

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababarkan ayaa diiradda lagu saaray laba qodob oo muhiim



Waaxda Cududda Shaqaalaha ee Wasaaradda Deegaanka Somaliland ayaa qabatay tababar muhiim ah oo lagu horumarinayo xirfadaha shaqaalaha, gaar ahaan xoghayayaasha ka hawlgala xafiisyada kala duwan ee wasaaradda.


Tababarkan ayaa diiradda lagu saaray laba qodob oo muhiim u ah shaqooyinka xafiisyada casriga ah, kuwaas oo kala ah hab-qoraalka tolmoon (Professional Writing) iyo anshaxa xafiisyada (Office Ethics).



Ka qaybgalayaasha ayaa lagu tababaray sida loo diyaariyo waraaqo rasmi ah, warbixinno iyo dukumiintiyo shaqo oo leh hab-qoraal sax ah, isla markaana waafaqsan heerarka casriga ah ee maamulka iyo shaqo-qorista.


Sidoo kale, tababarku wuxuu xoogga saaray muhiimadda anshaxa shaqada, ilaalinta sirta xogta, ixtiraamka waqtiga shaqada iyo xoojinta wada-shaqaynta gudaha xafiisyada.


Masuuliyiinta wasaaradda ayaa sheegay in ujeeddada tababarkani tahay kor u qaadista tayada shaqada iyo waxqabadka shaqaalaha, maadaama xoghayayaashu laf-dhabar u yihiin habsami u socodka hawlaha maalinlaha ah ee xafiisyada dowladda.

Loading...
Loading...