Wasiirka Warfaafinta Oo Shaaciyay In La Soo Afjaray Khilaafkii Golaha Iyo Warbaahinta

0
Thursday May 07, 2026 - 06:31:31 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 29
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Warfaafinta Oo Shaaciyay In La Soo Afjaray Khilaafkii Golaha Iyo Warbaahinta

    Wasiirka ayaa xusay in labada dhinac ay ku heshiiyeen wada-shaqayn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka ayaa xusay in labada dhinac ay ku heshiiyeen wada-shaqayn



Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Barkhad Jaamac Xirsi (Batuun), ayaa sheegay in si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii iyo isfaham-waagii u dhexeeyay Golaha Wakiillada iyo bahda warbaahinta.


 

Wasiirka ayaa xusay in labada dhinac ay ku heshiiyeen wada-shaqayn cusub oo ku dhisan danta guud, qaranimada, nabadgelyada iyo xoojinta isku xidhka saxaafadda iyo Golaha Wakiillada.



 

Barkhad Batuun wuxuu sheegay in heshiiskaasi uu horseedi doono jawi wanaagsan oo lagu dhammeystiro Xeerka Saxaafadda oo hadda horyaalla Golaha Wakiillada, isaga oo bogaadiyay doorka shirguddoonka iyo xildhibaannadu ka qaateen xallinta khilaafka.


 

Sidoo kale, wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in warbaahintu door muuqda ka qaadato weyneynta munaasibadda 18-ka May iyo ilaalinta sumcadda qaranka iyo hay’adaha dowladda.

Loading...
Loading...