Qaabka Fikirka Somalida

0
Tuesday August 06, 2019 - 08:50:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1325
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaabka Fikirka Somalida

    Qaabka fikirka ee qof ama umadi u fikirto,waa halbaagga ama muraayadda laga daawan karo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaabka fikirka ee qof ama umadi u fikirto,waa halbaagga ama muraayadda laga daawan karo

halka uu qofkaas ama umaddaasi u socoto,ama ay ku danbayn doonto,haddii ay horu mar gaadhi doonto iyo haddii ay afka goosan doonto,imika ayunbaa la eegayaa siday u fikirayaan ka dibna waa laga shaki baxayaa inay dumi doonaan iyo inay waddo sax ah hayaan.



In kastoo uu mawduucani uu yahay mawduuc aad u ballaadhan oo aan maqaal yar lagaga geyoon Karin,bal aynu eegno qaar ka mid ah dadyowga Adduunka iyo qaababka ay u fikiraan,iyo fikirkoodaas halkuu uu imikaba la marayo miyay mahadiyeen mise way eedeen oo badweyn madow ayay dabaalanayaan,waxa iyaduna xusid mudan way jiraan qolo kastaaba dhinac ay ku xun yihiin iyo dhinac ay ku wanaagsanyihiin marka la eego xagga dhaqamada iyo qaabka ay wax u qiimeeyaan,balse dadyowgan oo Somalidana aynu ku dari doonno bal idinku garsoora akhristayaasha sharafta leh ayaan u soo jeedinayaa.

 

Dadka reer China,waxa lagu tilmaama dad aan qosol badan aqoon,oo ay ku adagtahay inuu qosol iyo baashiraad kugu soo dhaweeyo,inuu kaa danaysto mooyee,siiba dadka ajaanibka ah ee reer Yurub way ka quusteen inuu ninka reer China u qoslo,sababtu waa maxay dee horta maba haleelayo, oo waa reero shaqo,waa midda labaad wuxu diidaa in la arko dhinaciisa jilicda san,oo waxay ka tahay han waynaan iyo inay diidayaan in reer Yurub quudhsadaan,maanta reer yurub iyo Maraykan war warka ugu way nee ay qabaan waa china iyo siduu Adduunka isugu ballaadhiyay xagga ganacsiga iyo wax soo saarka,


Dadka reer Yurub waxa lagu tilmaama,inay yihiin dad deegaanka jecel oo ka ilaalaiya,wasakhowga,kuna dadaala meesha ay ku nool yihiin inay noqotto meel qurux badan oo indhaha u roon,Horumarka ay sameeyeen ka sokow,haddana waxad arkaysaa in waddamadooda ay aad u ilaaliyeen,

 

Dadka reer Amerika siiba USA,qaabka ay u fikiraan,waa dad ku tartama lacagta,iyo siduu nin waliba ugu noolaan lahaa dabaqad sare,waxay jecelyihiin,inuu kolba gaadhiga cusub ee soo baxa ay kaxaystaan,alaabta cusub guriga soo dhigtaan,hadba mobilka Gallaxy ama apple nooca ugu danbeeya ay sittaan,qofka dan yarta ah isaga looma joojinayo,isagay u taallaa waana sida hadda ka muuqatta noloshooda.


Dadka reer India ayaa lagu tilmaama,inay yiniin,dad waligood rajo ku nool oo rumaysan,inay wax hagaagi doonaan,Filoosuufiyiin ah,waa dad aan waxba qarsan oo xattaa sirtooda suuqa kaga sheekeeya,waa dad xan badan,waa dad naxariis badan oo ooohin badan,dad ajaanibka ah way soo dhoweyaan,waa dad wax barsho jecel lkn laaluushka caadaysta,

 

Dadka reer Afrika waxa lagu tiriyaa inay yihiin,dad iska dhaxla,dhaqanka soo jireenka ah,oo ay adagtahay sida looga fur furo,sidoo kale waxay iska dhaxlaan qabiilka iyo qabyaaladda,waxa lagu tilmaama inay yihiin dad jecel,Ciyaaraha,muusiga iyo jaaska lagana yaabo inay wakhti badan kaga lumo,waa sababta aad dadka reer Afrika aad ugu arkayso xatta hadday tagaan waddamo Horumar ka jiro,in iyaga lagu dhex arko iyagoo ku raamaystay baararka iyo hotellada muusiga laga tumo  ( phronimon vol.16 n.2 Pretoria  2015)

 

Somalida waxa lagu tilmaama, dad waji furan,kaftan badan,dhoollo caddayn badan,dad caadifad xooggan leh,waa dad sir leh,oo isla wayn,lakin Somalida waa halka aan u socdo e qaabka fikirka wuxuu ku sallaysan yahay qabiil,qabiilka lama dafiri karo oo ilahay ayaa innoo abuuray dhucuub iyo qabiilooyin,hase ahaatee Somalidu gar iyo gardarro,Run iyo been,Dowlad iyo Dowlad la’aan fikirkoodu waa qabiil mana dhici karto ama way adagtahay in qabiil xor uu ka ahaado qofka Somaliga ahi,waxa suurto gal ah haddii uu dhinac fikir ku taageeo inuu ku waayo asxaabtiisa,ama ehelkiisa oo la yidhaa maxad u taageertay ninkaaas ama ciddaas reerkeenu sidaas ma aaminsana e,qofkii waxa uu wadoba marka danbe wuxu is odhanaaya sida ay dadkiinu rabaan raac,halkaas ayay ku bes beelaysaa aqoontii uu qofkaasi bartay iyo fikirkiisii xorta ahaa.

 

Waa taas ta keentay in,qofku qabiil ku taagero ama kaga soo horjeesto xisbi ama xukuumad,ma cabbiri karo dareenkiisa,waa laga xoog roonaday wuxu ku qasbanbanyahy inuu iska aamuso,ama uu raaco reerkooda,sababtaas ayaa keentay in habeen oo dhan aad warbaahinta uga arkayso kii reer hebel oo intuu soo fadhiisto cay u daraya reerka kale,aqoontii,fikirkii xorta ahaa,iyada waaba la illoobay oo cid hadal haysaaba ma jirto,ninku waa geesi uun kol hadduu reerkaa kale wax ka sheegayo,reerkiisana difacayo,dadkii wax bartay,iyo xattaa dadkii qurbaha tagay ee ka soo toosa meel umaddii lahayd hagaajisatay,wuxu la soo fadhiistaa warbaahinta qabyaalad,isku dir iyo aflagaado uu hadiyad ugu soo dirayo waddankiisa,lkn ma wada aha ee way jiraan dad badan oo wanaagsani.

 

Halkee ayuu markaas ku danbayn doonaa masiirka dalka iyo dadku,waa sidaas uu yahay ayunbuu ku biyo shuban doonaa haddaan wax laga beddelin,fikirka xorta ahi wuxu awoodaa isagoon qabiil iyo dan shakhsi eegaynin,inuu runta sheego oo uu yidhaa waar hebelow halkaas waad qalloocisay ee toosi oo sax ka dhig,


Reer Somaliland waxad mooddaa,baryahan danbe in qaabkii fikirku sii hoosaynayo,oo uu ad u liitto oo xattaaa waxan yare e la isu keenay (Threat)ama halis lagu yahay,haddaan sidan wax laga beddelin dee waxba socon maayaan,ee waxan soo jeedin lahaa in hab fikirka wax laga beddelo,oo laga fikiro Horumar,iyo dhisme cidda khaldanna wax loo sheego,oo la saxo,ciida ay doonto ha noqoto e,iyadoon laga eegayn xagga qabiilka iyo danaha gaarka ah ee laga eegayo xagga farsamo iyo dhismaha.

Allaa mahad leh

Rashiid Odowaa M.A diplomacy and IR

[email protected]

063-4101213

 

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...