Golaha Wakiillada Iyo SOLJA Oo Soo Afjaray Khilaafkii U Dhexeeyay
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland, Siciid Faarax Mire (Giirre), ayaa shaaciyey in xal laga gaadhay isfaham-waagii u dhexeeyey Golaha Wakiillada iyo ururka SOLJA, kadib wada-hadallo dhexmaray labada dhinac.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in la isku afgartay in si wadajir ah looga shaqeeyo ilaalinta sumcadda Golaha, warbaahinta iyo qarannimada Somaliland, iyadoo la samayn doono hannaan rasmi ah oo mideeya wada-shaqaynta Golaha iyo SOLJA.
Waxa uu tilmaamay in guddida arrimaha bulshada ee Golaha iyo SOLJA ay dejin doonaan habraac ilaalinaya xuquuqda wariyeyaasha iyo tan mudaneyaasha, si loo yareeyo khilaafaadka mustaqbalka.
Sidoo kale, Giirre ayaa warbaahinta ugu baaqay inay door muuqda ka qaataan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xuska 18-ka May iyo baahinta wararka dhiirrigelinaya midnimada iyo qaranimada Somaliland.


0 





