WAR CUSUB: Maersk Oo Ka Hadashay Hakinta Adeegyada Booking-ga Ee Dekedda Berbera
Shirkadda ISS oo wakiil u ah Maersk ayaa si rasmi ah u beenisay in arrimo amni ama sharciyeed ay sabab u yihiin hakinta ku-meel-gaadhka ah ee adeegyada booking-ga xamuulka ee ka imanaya ama u socda Port of Berbera.
War-saxaafadeed ay shirkaddu soo saartay ayaa lagu sheegay in hakintan ay la xidhiidho caqabado farsamo iyo xaaladaha suuqa, isla markaana aanay wax lug ah ku lahayn hawlgalka, amniga ama nidaamka sharciyeed ee dekedda.
Shirkaddu waxay xustay in:
ay jiraan dhibaatooyin ku yimid isku xidhka shabakadda maraakiibta iyo adeegyada feeder-ka,
uu hakad galay adeegii ugu dambeeyay ee keenayay xamuulka,
isla markaana aanu jirin xal kale oo feeder ah oo ku habboon xaaladaha suuqa ee hadda jira.
Sidoo kale, Maersk waxay tilmaantay in yaraanta awoodda maraakiibta iyo korodhka kharashaadka hawlgalka ay sababeen go’aanka ku-meel-gaadhka ah ee lagu joojiyay booking-ga.
Dhanka kale, shirkaddu waxay sheegtay inay diyaarisay xalal ku-meel-gaadh ah oo ay ka mid yihiin safarro gaar ah (ad hoc sailings), si loo sii wado adeegyada xamuulka iyadoo lagu salaynayo xaaladaha hawlgalka iyo helitaanka agabka.
Ugu dambayn, Maersk ayaa xaqiijisay inay weli ka go’an tahay sii wadista adeegyada Dekedda Berbera, isla markaana si joogto ah loo qiimeyn doono xaaladda si dib loogu bilaabo adeegyada booking-ga marka xaaladaha suuqu hagaagaan.


0 





