WAR CUSUB: Dhaam Cusub Oo Laga Hirgeliyey Deegaanka Goroyo–Xunta Hoose

Isu-duwaha Wasaaradda Horumarinta Biyaha ee gobolka Togdheer, Mudane Mustafe Maxamed Ismaaciil (Mustafe Laambad), ayaa si rasmi ah xadhigga uga jaray dhaam cusub oo laga hirgeliyey deegaanka Goroyo–Xunta hoose.
Dhaamkan cusub ayaa waxaa hirgelisay Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland iyadoo kaashanaysa hay’adda Welthungerhilfe (WHH), waxaana si buuxda loogu qalabeeyey adeegyada muhiimka ah ee biyaha.
Masuuliyiinta ayaa sheegay in mashruucan uu wax weyn ka tari doono baahida biyaha ee bulshada deegaanka, isla markaana uu kor u qaadi doono horumarka iyo nolol-wanaagga dadka ku nool Goroyo–Xunta hoose.
Mashruucan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo helitaanka biyo waara ee deegaannada miyiga ah iyo kuwa ay saameeyeen biyo-yaraantu.


0 





