WAR CUSUB: Wasiirka Caddaaladda Oo Shaaciyay Guddida Ruqsad-bixinta Iyo Anshax-marinta Qareennada
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland, Mudane Yoonis Axmed Yoonis, ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay dhismaha Guddida Ruqsad-bixinta iyo Anshax-marinta Qareennada, kadib wareegto uu ka soo saaray xafiiskiisa.
Guddidan cusub ayaa lagu dhisay wax-ka-beddelka iyo kaabista Xeerka Qareennada (Xeer Lr. 30/2004), waxaana loo igmaday nidaaminta, hagidda iyo horumarinta mihnadda qareennimada ee dalka.
Sida lagu sheegay wareegtada, guddidu waxay masuul ka noqon doontaa:
Bixinta ruqsadaha qareennada
Dabagalka anshaxa xirfadeed
Hubinta in adeegyada sharcigu waafaqsan yihiin xeerarka dalka
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda guddidani u leedahay tayaynta adeegyada sharciga iyo ilaalinta kalsoonida mihnadda qareennimada, isaga oo ugu baaqay hay’adaha iyo daneeyayaasha inay la shaqeeyaan guddida.
Xubnaha Guddida:
Axmed Maxamed Iidan – Agaasimaha Waaxda Mihnadlayaasha Sharci
Ibraahim Khadar Siciid – Agaasimaha Waaxda Arrimaha Shuruucda
Axmed Muuse Jaamac – Xildhibaan
Cali Siciid Cali Nuux – Xildhibaan
Yaxye Cali Idiris – Garyaqaan
Cabdiraxmaan Cali Maxamed – Garyaqaan
Sawda Maxamed Xirsi – Garyaqaan


0 





