WAR CUSUB: Guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dowladda Oo Kormeer Shaqo Ka Bilaabay Boorama
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Somaliland, Mudane Cabdicasiis Xirsi Warsame, iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta gaadhay magaalada Borama, halkaas oo ay ka bilaabeen kormeer shaqo.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in socdaalkani uu salka ku hayo qiimaynta shaqada ay qabtaan isu-duweyaasha gobollada iyo caqabadaha jira, si xalal deg-deg ah loogu helo arrimaha taagan.
Wuxuu yidhi: "Socdaalkayaga ayaa ujeedadiisu ahayd sidii aanu xog-oggaal ugu noqon lahayn shaqada ay hayaan isu-duweyaashu, iyo caqabadaha haysta, iyo sidii xalal deg-deg ah loogu heli lahaa.”
Sidoo kale, wuxuu xusay in kulamada ay la qaadanayaan masuuliyiinta gobolka ay diiradda saarayaan arrimaha maamul-daadejinta iyo sidii adeegyada dowladda loo gaadhsiin lahaa dhammaan bulshada gobolka.
Guddoomiyaha iyo weftigiisa ayaa sidoo kale kormeer ku samayn doona wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee gobolka, iyagoo qiimayn doona adeegyada ay bixiyaan iyo goobaha loo qorsheeyey hirgelinta nidaamka maamul-daadejinta.


0 





